xaajo logo
 
Golaha Dhexe ee ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan oo isku raacey in bogga Xaajo la Xoreeyo.
Yaa Been sheegaya labadan Masuul?


XOL: Haddaad is lahayd waddan baa la xoreynayaa oo Tigree ayaa lala dagaalaa waxaad u baahantahay inaad dib u fikirto waxna isweydiiso. Dhawrkii bilood ee u danbeeyey golaha dhexe ee ONLF waxey habeen iyo maalinba ka hadlayeen sidii bogga Xaajo loo xoreyn lahaa waxeyna ugu danbeyn go aan ku gaadheen in si walba oo lagu xoreynkaro Xaajo loo xoreeyo.Maxaase ka dhashey?

Dagaalada joogtada noqdey ee udhaxeeya ONLF iyo MJXSG , Garabka Doolaal iyo falalka shacabka lagu waxyeeleyanyo ee ay ONLF sameysay sida; falalkii Dalaad, Dhagaxbuur, Shiniile, Gudhis, Coballe, Gunagado, Dig, Gobolka Godey, Maraacaato, Dalaad, Miiraa Godey, Baarguun, Haarcad, Caado, Garloogube iwm ee ay ONLF sameysey in lasheego oo ay dadku ogaadaan iyadoo ay wada ogyihiin ayaa waxey ku tahay dhimbil dab ah oo soo kartey ONLF waxayna wararka udhawdhaw sheegayaan inay ONLF ogtahay in wararka Xaajo kuqoran oo dhan ay yihiin run, balse ay jeclaan lahaayeen inaan dadweynaha loosoo gudbinin. Xaqa iyo runta ma afkaa la qaban!

Fadhiyo badan oo ka kala dhacay waddamo kala duwan gaar ahaan kuwa ree galbeedka oo ay isugu yimaaddeen garabka Maxamed Cumar Cismaan ayaa waxaa lagu soo celceliyey iney lagama maarmaan tahay in bogga Xaajo maaro loo helo sababtoo ah waxaa la ogaadey in shirqoolkasta oo loo maleego shacabka iyo dilalka dadka masaakiinta ay Xaajo soo tabineyso sidii middii ugu danbeysey ee Garlogube iyo dilkii Jamaal Dheere iyo oday 70 jir ah oo ay budh ku duleen balse aannaan magaciisa helin aagga Dhagaxbuur. Waxaa kale oo aad u xanuujisey in bogga Xaajo uu iftiimiyey dhibka u dhaxeeya labada urur ee ONLF iyo MJXSG iyadoo marwalba boggani taageerayo in wiilashaas walaalaha ee reerahoodii uga soo tagay iney Tigree la dagaalaan aan la isku leynin. Sababahan iyo kuwo kale oo badan awgeed waxaa la go aansadey waqti iyo hanti badanna lagu bixiyey in bogga Xaajo la xoreeyo ama haddii kale loo sameeyo meelo lagu caayo.

Warar hoose oo aan ka helnay ila wareedyada Xaajo ee ugu dhexmilan kooxdan ayaa noo sheegey in bilihii ugu danbeeyey golayaasha Emailada ee ONLF iyo shirarkii xafiis jaaliyaadkooda ay ka dhamaan waayeen waxii Xaajo laga yeeli lahaa. Waddamada sida aadka ah looga doodey waxaa kamid ahaa waddanka Finland, Holland, UK, Norway, Germany, Canada iyo waddanka Australiya kuwaasoo markii danbe isku raacey in koox loogu yeedho Warfaafinta loo saaro iney saacad walba furan bogga Xaajo shaqana ka dhigtaan isla markaana qoraan waxey doonaan maaddaama oo aan la garaneynin sidaasna Xaajo ku xoreeyaan.

Waxaase illaahay mahaddii ah in maamulka bogga Xaajo iyo shaqaalihiisuba ay shaqadoodu tahay iney u adeegaan umadda wararkana sidey u helaan usoo tabiyaan iyagoo illaahay mooyee aadame ka baqaynin. Waxaase lama huraan noqon doonta in dadka moodaya iney qarsoonyihiin ee jooga waddamada aan kor ku sheegney iyo umadda la istusi doono isla markaana lasoo bandhigi doono illeen beeni lug la qabto ayay leedahaye.! Waxaa noo suura gashey inaan helno magacyada dadka hawshan ku hawlan ee loo soo direy iney xoreeyaan Xaajo waxeyna kala joogaan waddamada aan soo xusney.

Maanta ONLF waxey jirtaa 24 sano waxaana ku nafwaayey dagaalkay ONLF horseedey kumayaal wiil waxaana ku barakacey boqolaal kun oo qoys, meeshii laga rabey iney maanta haabanayaan hawlo weyn iyo xoreyn waddan ama siyaasad micno leh, waxey kaga soo iba beeshey aan Xaajo Xoreyno oo aan qabsano Saldhigyadeeda oo dhan..!!!. Illaahayoow bulshada Ogaadeenya u naxariiso, mar haddii kuwii ay 24 ka sano sugayeen ay maanta kaga soo dhamaatey Xaajo, Xaajo, Xaajo, Maxaa Xaajo loo sameeyey, Yaa sameeyey, xaggey usocotaa, halkey qabsatey.... Maxaan ka qornaa, Xaggee laga weeraraa?? . Bulshada Ogaadeenya caqli iyo maskax ku filan ayay leeyihiin umana baahna in maskaxdooda looga sheekeeyo. Xaqa iyo xumahana way kala yaqaanaan iyagaana go aanka iska leh meeshey akhrisan iyo waxey qaadanba. Waxaase intaas dheer in maanta dagmooyinka dhulka Ogadeenya ay Tell wada leeyihiin oo qofwalbaayi Tel diri karo.

Runtii waa wax laga xumaado laga naxo in maanta ay ONLF hankeedu halkaas marayo oo rag gole dhexe ah iyo niman Warfaafin isku sheegaya intii ay siyaasadda adduunka ay waxkala socon lahaayeen shaqo ka dhigtey in Xaajo dhufeyska ugalaan iyagoo Baasuukayaal wata! Masaakiin! Toloow Maxa runta in la sheego ku direy! Eegga sow Xaajo lama gudboona iney sameysato ciidamada Qalabka Sida oo saldhigyada laga soo weerarayoo dhan dhufeys ka gasha.!!

ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan afar uusan ku jirin Tigreegu ayuu dagaal kula jiraa goor ay kala dhamaadaanba; Bogga Xaajo.com, Dr Maxamed Siraad Doolaal, Ururka MJXSG iyo Sheekh Dulyaddeynka Jubbooyinka. Tigree in lala dagaalo iyo waddan la xoreeyaayi waa dhamaadey ee intii dhimatey ilaahay naxariistiisii ha geeyo. Waxaase ay bulshada Ogaadeenya intooda wax garaneysa isweydiineysaa sababta keeni kareysa in la dhaho waxaan aniga ahayn Tigree lama dagaali karo,ciddii Tigree la dagaashana anigey ila dagaashey!

Isku soo duboo waxa kaliya ee leenahay waxaa weeye Xaajo waxaa u guul ah in ururkii 24 ka sano jirey ay maanta is hayaan waxey kala helaanba. Weldone Xaajo.!!

Xaajo.com Xabaddu Wayna sugiye, Xaajo aan Xoreyno

Xaajo.com


Print this Article Comment(s)