Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> News Details
Maqaal
 
    BBC SOMALI
 


»Barnaamijkii ASAL Gabay Halxidhaale ah oo Sayidka loo soo direy
XOL:Guyaashii uu darwiishii ka sayidcalaynayayay deegaanka Somaliyed oo ay daraawiishi dagaal hadh iyo habeen galaa baxayeen waxaa jirey aalad kale oo aad u xoog badan oo Sayidka iyo raggiisu ay u isticalai jireen sida warbaahinta eegga loo yaqaano dunida taasoo ukala gooshi jirtey dhamaan gayiga Somaliyed. Haddaba waxaan qormadan kusoo qaadan doonnaa gabay caan ahaa oo halxidhaale ahaa oo Sayidka uu usoo direy nin la odhan Jirey Xaajo Gooni oo ahaa gabayaa caan ah oo ahaa dadkii Hobyo looga talin jirey.

Gabaygan oo ay ku aasantahey murti dheer oo dadka caqliga indhaha kuleh uun karan karaan ayaa nin gabyaa caan ahaa sayidka ku hujuumey isagoo ka dalbaya inuu soo furo haddii Sayidka gabay uu caarif ku ahaa. Sidaad gabayga ka dhadhansandoonto sarbeebo badan oo ay adagtahey in lafuro ayaa ku jira. Akhristoow bal isku day waxada ka furi karto gabaygan.

Rag Cayaayir iyo Maanso waa camaladdiisiiye
Caynaanka anigow hayiyo celiyihiisiiye
Kol haddaan callaqo looma furo cagaha dheeldheele
Lix iyo toban hal aan soo cayimey caynka ka hogaadsho

Weel caanihii laga dhamee cunuggu heemaarshey
Oo ciidda loo dhigey afkii laga casheynaayey
oo dhay'i caaddaa ka tahey waa cajabe sheega!

Cesaama kuu dhalahayoow dhiilo loo culanin
Oo naaso ceyntood laheyn waa Cajabe sheega!

Cariish meel ku yaal oo aroos loo calaamadiyey
Oo aadan cimirigii daawaneyn waa cajabe Sheega!

ceel buuxa aan laga cabeyn cidinna kuu diidin
Oo maaxi caaddaa ka tahey calowna keenaaya
Oo maalka calaf looga shubin waa cajabe sheega!

Calaf aan laguu qorin asaad cuni aroor noolba
Aan caato iyo gaajo bi'in cawro waysaga'e
Oo aanad ciyaar uga dhargeyn waa cajabe sheega!

Caal weyn lo aad iyo libaax caranayoo jooga
Oo xera ciriiriya ku jira caabuqna is yeelin
Aan xoolo looga cabsanayn waa cajabe sheega!

Waxaad cuni asaan eebahay kaaga calaf yeelin
Oo aadan ciyaar kaga dhargeyn waa cajabe sheega!

Cir onkaday hilaac laga cabsadey karar cabaadeysa
Oo reys cirbaha laga dhigeyn waa cajabe sheega!

Waxaan caarad dhuubyadu dhexmarin calalna jeexaaya
Aan ciiska waran lagu karayn waa cajaba sheega!

Caqdi naagaan lagu guursanoo cawda kuu gogosha
Oo aadan cadaab kaga baqan waa cajabe sheega!

Cawshiyo biciidkaa arlada cararayee jooga
Inkastoo ciriid iyo kulayl lagu cisaareeyo
Calooshooda oon lama gashee waa cajabe sheega!

Waxaan cago laheyn oon kacayn sida curyaan naafo
Oo Samada hoos kaga callaqan waa cajabe sheega!
-----------------------------------------------------------
Jawaabtii gabeygan ee Sayidka iyo waliba gabay halxidhaale ah oo aad u adag oo uu sayidku dib ugu direy ninkii gabayga soo direy qormooyinka danbe ayaan kusoo qaadan doonaa.

Akhristayaal idinkoo mahasan waxaad gabaygan ka dib isku daydaan bal inaad ka jawaabtaan su aalahan deedna waxaad noogu soo hagaajisaan maamulka@xaajo.com.

Xaajo.com

Print This Article comments (1)

Home | Dhacdooyin | Waraysiyo | Subax wanaagsan | Contact us

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 119 120 121 Next >>

 

 

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 Next >>

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com