Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> News Details
Maqaal
 
    BBC SOMALI
 


» Guddoomiye Axmed Cabdi Haybe(Dawlo) oo Wareysi siiyey BBC-da ka warbixiyey Mashruuca QEF
XOL:Axmed Cabdi Haybe(Dawlo) oo ah gudoomiyaha Mashruuca Waxbarashada Qoraxey(Qorahey Education Foundation-QEF) oo wareysi dheer siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da barnaamijkeeda waxbarashada ayaa warbixin dheer ka dhiibey sababihii loo aasaasey Mashruuca iyo waxqabadkiisa illaa maanta iyo waliba ahdaafta iyo Yoolka Mashruuca.

Wareysigan oo kusoo aadey xilli hawlwadeenada Mashruuca QEF ay aad ugu diirsadeen natiijaadkii imtixaanaadkii dugsiyada taasoo ay magaalada Qabridahare ka gashey meel aad u wanaagsan iyadoo ay baastey dugsiyada Qabridahare ardadii ugu badneyd taariikhda taasoo ay suura galisey dadaalka Mashruuca QEF.Wareysigii Guddooyiha oo maqal ah halkan ka dhageyso!

Mashruuca QEF ayaa waxuu ka hawlgalaa dunida dacaladeeda isagoo maalin maalinta kadanbeysa sii faafaya isla markaana gaadhaya waddamo badan oo ay jaaliyaadka Qoraxey ku noolyihiin.

Waxaan sidoo kale halkan idiinku soo gudbineynaa wareysiyo kala duwan oo boggan Xaajo la yeeshey halwadeenada Mashruuca gaar ahaan guddoomiyaha QEF oo muddo hore ka warbixiyay yoolka Mashruuca QEF.
Wareysi hore oo bogga Xaajo layeeshey gudoomiye Axmed Cabdi Haybe halkan ka akhriso
.


Si kastaba ha ahaatee Mashruuca QEF Waxuu noqdey tusaale wanaagsan oo midha dhalay ayna hawshiisa wadaan dad aad u badan oo ka damqadey dhibaatada Jahligu ku hayo ubadka deegaanka. Ugu danbeyn waxaan leenahay Mashruuca QEF iyo dhamaan mashaariicda samafalkuba ha guuleystaan.
Waxii dheeri ah ee kusaabsan mashruuca QEF iyo sidii aad talo iyo tabarba uga geysan laheyd dadaalka isku tashiga ah ee jaaliyaadka Qabridahare fadlan halkan kala xidhiidh.

Xaajo.com

Print This Article comments (0)

Home | Dhacdooyin | Waraysiyo | Subax wanaagsan | Contact us

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 119 120 121 Next >>

 

 

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 Next >>

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com