Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> News Details
Maqaal
 
    BBC SOMALI
 


»Weligaa ma maqashay “Ogaden”? Nin suxufi ah iyo nin tagsiile ah sheeko dhex martey, Minnesota.
Sheekadani waxay ku dhex martey magaalada ST. Paul , Minnesota ee cariga Maraykanka nin suxufi ah oo maraykan ah oo lagu magacaabo Ben Stein iyo nin tagsiile ah oo sida muuqata reer ogadeenya ah. Sheekaddiina waxay u dhacday sedan

ST. Paul--- haye, waatan sheekaddii shirkii xisbigayga jammuuriga ah (Republican party). Sidan waxaa yidhi Ben. Ka dib markaan waxoogaa yar oo shaqadaydii wariyanimada ahayd ka soo qabtey xaruntii shirka ee Xcel energy ee ST.Paul maalintii arbacada ayaan taxi soo galay si aan dib ugu jahaysto goobtii aan deganaa. Dabcan waxaa naxayirey baabuurtii faraha badnayd ee jidka qulqulaysay. Darawalkaygii tagsiga oo ahaa nin waydsan oo dhafooro godgodan ayaa waxaan su’aaley meesha uu ka yimid iyo sida uu uga heley shirkii xisbiga jammuuriga ah.

Su’aashaasi waxay ahayd siddii anigoo haani igu buqatey ama aan daboolka ka qaaday dhalo khamro ah oo nooca shambaynta loo yaqaano ah.

“Weligaa ma maqashay Ogaden?” ayuu nin kii tagsiilaha ahaa igu yidhi.
“Haa, waxay ka tirsan tahay Ethiopia,” “Dagaalo badana way ka socdaan” ayaan ku idhi.

“Waa dhul balaadhan. Waxa ku nool todoba milyan oo qof. Dawlada Ethiopia haba yaraatee wax iskuul ah nooma dhisin, ma lihin daryeel caafimaad, ma lihin isbitaalo iyo rugo caafimaad, waa meel madhan. Kaliya waxaa ku nool dad xoolo dhaqato ah oo gargaar u baahan. Dhulkani wuxuu qani ku yahay shidaalka, kaas oo ah midka dadyowga kale ku hodmeen ama ku horumareen balse anagu waanu iska kor fadhinaa anaga oo ka baahan.

“Anigu waxaan ahaan jirey nin reer miyi ah” ayuu igu yidhi isaga oo hadalkiisii sii wata. Waxaan ahaa nin aan waxba haysan. Laakiin dhulkaygii waan ka soo baxsaday ka dib markii ay ciidamada itoobiya isku dayeen inay qasab igu qoraan iina qaadaan dagaaladii ka socday wakhtigaas soomaaliya. Waxaan u cararay dhinaca keenya, ka dibna waxaan u soo gudbay halkan aan maanta joogo oo ah USA. Keenya waa dal qurux badan laakiin wadan la mid ah USA dunida laguma arko.

“Halkan waxaan ku noolahay ilaa 16 sanno, wax aan la imidna ma jiro oo aniga oo fara madhan baan imid. Hada waxaan lee yahay taxi aan ku shaqaysto. Waxan darajada master ka ka bartaa University of Minnesota, waxaanan lee yahay xaas iyo 3 caruur ah. Aniga iyo reerkaygu waxaan lee nahay guri qaboojiye leh iyo labo baabuur. Waxaan halkan keenay labo wiil oon walaalo nahay, kuwaas oo adhiga raaci jirey markay ogaadenya joogeen. Hada mid wuxuu bartaa kimikaal injineeringi, halka kan kale uu barto cilmiga suugaanta afka ingiriiska “Maraykanka waxkasta waa suurto gal.”

Ben wuxuu yidhi waxaan nafteyda kula fakaray in sheekadani tahay sheekooyinka dhabta ah ee “American dreams” aniga oo buu yidhi fakarkayga ka saarey mida Sarah Palin iyo Joe Biden oo kala ah labada madax wayne ku xigeen ee xisbiyada dimoqoraatiga ah iyo kan jammuuriga ah. Ninkan tagsiilaha ah ee wuxuu ku taamayey ama ku riyoonayey ka heley Twin Cities ayaa ah waxa aan odhan karo waa sheekada dhabta ah ee America ee qofkasta ku hanwayn yahay inuu gaadho.

Ninkii tagsiilaha ahaa oo hadalkiisii sii wadata ayaa yidhi: “Maqal waxaan aqaanaa dad waxyaalo xunxun ka sheega dalka maraykanka. Dadkaa waxaan u sheegaa in haddii ay shaqaystaan ay waxkasta samayn karaan. Laakiin haddii aanay shaqaysan in iyaga wax ka qaldan yihiin ee wadankan aan waxba qaldanayn. Wadankani waa wadanka adduunka ugu fiican”

Ben wuxuu yidhi ninkii tagsiilaha ahaa oo codka kor u qaadaya fartana gilgilaya ayaa yidhi, “Shaqsi kasta oo dunida ku nooli wuxuu rabaa inuu halkan yimaado. Sabatoo ah waxay ku tusaysaa in uu dalkani yahay dalka adduunka ugu fiican.
Ben wuxuu sheekadiisii ku soo gaba gabeeyey sidan: Qeybihii kale ee shirku wuu fiicnaa, laakiin waxaan casharka ka dhaxlay ninkii tagsiilaha ahaa kaas oo ka yimid dhul dagaalo cadow oo naxariis la’aan ahi burburiyeen, balse hada beertiisii jannada ee cadmeed ka heley Minnesota. Illaahay wadankan wayn ha barakeeyo!.

Haddii aan sheekaddii xiisaha badnayd intaa kaga gudbo oon u soo laabto ujeedada aan uga dan leeyahay qoraalkan gaaban, runtii waxa sheekadan laga dhex bixi karaa qodob aad muhiim u ah kaas oo markhaati ka ah in ummada u dhalatey dhulka ogaadeenya ay maanta isu qeybisay mid hadal ku dagaalama, mid hanti ku dagaalama iyo mid hub ku dagaalama. Waxay ku tusaysaa in shaqsi kasta oo reer ogaadeenya ah oo damiir leh kana danqanaya dibindaabyada iyo darxumada dadkoodu ku jiraan uu meel kasta iyo goorkasta oo uu joogaba inuu diyaar ugu yahay sidii uu dareenkiisa ugu gudbin lahaa bulshooyinka adduunka. Waxay ku dareensiinaysaa is xilqaanka shacab waynaha reer ogaadeenya wadar ahaan iyo kali ahaanba waayo ma aha markii ugu horeysay ee shaqsi ku abtirsada soomaalida ogaadeenya uu suxufiyiinta adduunka u gudbiyo walaaca uu ka qabo gumaysatada wayaanaha iyo sida waxashnimada leh ee ay ula dhaqmaan dadka shacabka ah ee gayigaa iska leh, hase ahaatee tanina waadhacdo kale oo loo baahan yahay, muhiimna u ah haganka. Waxa laga yaahaa in dad badani isweydiiyaan sababta aan u lee yahay waa arin muhiim ah amaba aan muhiimada u siinayo sheekadan gaaban laakiin akhristayaal maanta qof aan saaxiib lahayn ama halgan aan saaxiib lahayni ma guulaysto. Adduunyadu maanta way isku wada xidhan tahay, dadyowga ku dhaqanina waxay isugu jiraan kuwo xun iyo kuwo fiican diintay doonaanba ha haysteene, marka waa lagama maarmaan inaad dulmiga lagugu hayo ka dacwooto. Waa inaan riyo noqonaa siddii uu sheikh maxamed sheikh abdi aar horey inoogu sheegay oo aan qaylinaa si cadowga laynoola arko oo aynaan ido u noqon waayo idaha aamus buu bahalku ku dilaa. Sow lama odhan nin aan hadloon habartiina way qadisaa?. Xaqiiqdu waxay tahay in haddii aad dhibkaaga dadka la wadaagto aad heli saaxiibo badan oo aad isku dan tihiin, kuna garab istaaga, halka laga yaabo inaad la kulanto kuwo badan oo ku hagardaameeya.

Ka sokow cududa military iyo mida siyaasadeed ee ONLF waxa runtii wax lagu faano ah kumanyaalka kun ee soomalida reer ogaadeenya ah ee daafaha adduunka ku kala nool ee maanta isu taagtey siddii ay halganka dhulkooda ka socda uga qayb qaadan lahaayeen. Waxaa yididiilo leh kumanyaalka dhalin yarada ah ee dalalka xorta ah maanta ku nool ee calanka saddexda midab leh ee xidigta cadi dhexda kaga taalo ka kor babinaya dhamaan caasimadaha waawayn ee reer galbeedka. Waxan xusuustaa maalin kaliya oo 17 dal oo daafaha adduunka ku yaala uu calanka ogaadenya hadheeyey halkaas oo ay isugu soo baxeen kumanyaal cadhaysan oo reer ogaadeenya ah, taasna waxaad ka garan kartaa bislaanshaha dadka iyo sida xoriyada macaankeeda loo dareemay.

Qodobka kale ee aan odhan karo waa muhiim ee sheekadan laga fahmi karo waa, shaqsi ahaan waxaan rumaysanahay in maanta halganku ehel dibadeed iyo mid gudeedba lee yahay, waxaa kale oon dhab ahaan aamin sanahay in halganaddii hore ay la fashilmi jireen ehel la’aanta. Maanta waxaa halganka sida wayn gudaha uga dhiiri galinaya waa dadka dibada ku nool kuwaas oo cod iyo caqliba la garab taagan walaalahooda goobaha dagaalka ku sugan. Sidoo kale haddii aan gabdhaha iyo wiilasha naftooda u huray halganka iyo shacabkooda sida hagar la’aanta u taageerayaa aanu jirin kuwa dibada ku sugani waxba ma qaban karaan. Illaah baa mahad iska leh kaas oo maanta suuro galiyey in shacabka reer ogaadeenya meelkasta oo uu joogaba isku xidhmaan, gacmahana is qabsadaan. Waxa cad in qofkastaa uu xil gooni isu saarey sida ninkan tagsiilaha ah een kor ku soo xusnay.

Akhristayaal halganka guushiisu ma aha oo kaliya inta aad dhul qabsatey ee waa inta aad dhalinyaro firfircoon abuurtey. Ma aha inta aad hub haysato ee waa inta aad hooyo daacad ah kasbatey. Ma aha inta aad cudud iyo ciidan lee dahay ee waa inta aad caalim diinta yaqaan oo madax banana samayso. Maanta waxaan aaminsanahay in insha allah guushu dhawdahay. Midhihii ONLF beertayna waa kuwaa meelkasta ka soo biqlay waayo muddo ayey ONLF isku hawshay inay abuurto kaadir baraarugsan oo illaahay, diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisaba yaqaana. Muddo ayey qorshey ugu jirtey siddii ay hogaamiyayaashii bari halganka wadi lahaa u heli lahayd, nasiib wanaag illaahay wuu ku garab galay waayo maanta muran kama jiro in dadkii halganka wadai lahaa uu diyaar yahay.

Xoriyadu dad bay u baahan tahay dadkiina maanta waa kuwan dariiqii kastaba ku hor taagan jecela inay mawqifkooda jeedsadaan. Waa kuwan calanka lulaya, waa kuwan is hanuuninaya, waa kuwan hiil iyo hooba diyaarka la ah.
Illaahow guusha adduun iyo mida aakhiraba idin hanti sii. Aamiin. Aamiin

Ali yare
Alyare2002@yahoo.com
Minnesota.

Print This Article comments (0)

Home | Dhacdooyin | Waraysiyo | Subax wanaagsan | Contact us

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 119 120 Next >>

 

 

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 Next >>

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com