Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> News Details
Maqaal
 
    BBC SOMALI
 


»Yaab iyo Amakaag: Bashiir Axmed Cawr oo saddex sano ku xukumey nin sakaraad oo sariir saaran
XOL:Wararka naga soo gaadhaya gobolka Qoraxey ayaa sheegaya in gudoomiyaha gobolka Qoraxey Bashiir Axmed Cawr uu kudhaqaaqey fal aad u xun oo ku soo xidhey nin miskiin ahaa oo ay ciidamada Tigreegu iska soo daayeen kadib markuu muddo badan u xidhnaa isagoo sakaraad ah. NInkan ayaa lagu sheegey in ciidamada Tigreegu ay kasoo qabsadeen waddanka Soomaaliya ayna kusoo qabteen isagoo miino wata dabadeedna ay umaleeyeen inuu iyaga jidka u dhigayay.

Warar aan ka helney dad ehel u ah ninkaas ayaa noo sheegey in meesha ninka laga soo qabtey oo ah deegaanka Cabudwaaq oo ah meel biyo yar ay dadka degaanku ceelasha ku dalooshadaan miinooyinka sidaas darteed ninkan oo ahaa ree miyi uu miinada usoo watey inuu ceel ku duleeshado balse ay ciidamada Tigreegu soo qabteen isagoo aan gaadhin meeshii uu watey Miinada. Ciidamada Tigreega ayaa ninkan oonaan magaciisa helin kusoo xidhey magaalada Qabridahare oo uu muddo sanad kabadan ay ku heysteen xabsiga ayna u geysteen waxwalba oo ay kusameyn kareen.

Ninkan ayaa ehelkiisu kasamreen waxwar ahna aysan ka helin iyagoo ku qiyaasey inuu iska dhintey. Todabaadyadii lasoo dhaafey ayaa ciidamada Tigreegu ninkkii oo sakaraad ah saxarada iyo kaadidana aan ceshin karin ay iska soo tuuraan iyagoo ku wadey in meelahaas lagu aaso marka uu iska dhinto ay banaanka usoo saareen. NInkii oo Isbitaalka yaalla ayaa waxaa la sheegay in guddoomiyaha gobolka Qoraxey Bashiir Axmed Cawr ugu yimid Isbitaalka isla markaaana uu ku xukumey ninka noocaas ahaa in saddex sano lagu xukumo.

Caafimaadka ninkan oo liita awgiis ma istaagi karo mana fadhiisan karo waxaana ay wararku sheegayaan inuu ciidanka Booliska amrey iney ninkaas lagu waardiyeeyo sariirta. Arintan ayaa dadweynaha magaalada aad uga fajicisey iyagoo la yaaban sababta nin ay Tigreegii soo xidheyba iska soo tuureen sababta nin islaam ah oo Soomaali ah uu sidaas ugu galayo.

Xaajo.com

Print This Article comments (0)

Home | Dhacdooyin | Waraysiyo | Subax wanaagsan | Contact us

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 119 120 Next >>

 

 

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 Next >>

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com