Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> News Details
Maqaal
 
    BBC SOMALI
 


»Allaw Yaa Yax dhaha Markey Halkan Maraysay: Taladii la diiday eeddeeda yaa iska leh?

Ujeeddo: Go,aamadii lagu Gaadhay Gudaha July 27-31, 2006


Horudhac:

Waxaan Guddoomiyaha jabhadda u soo jeedinaynaa in uu qoraalkan u derso si miyir leh oo ay ku dheehantahay statesmanship- nimo iyo bisayl waayo-aragnimo, tixgalinta uu mudan yahayna uu siiyo .Xubnaha golaha dhexe ee qoraalkan xagiisa hoose ku saxiixan markey;

Si mug leh u darseen go’aamadii ka soo baxay shirkii ay galeen qaar ka mid ah xubnaha golaha dhexe iyo kaydka golaha dhexe ee JWXO ee 27 ilaa 31 bisha Julay laguna qabtay dalka Ogadeeniya gudihiisa;

Qiimeeyeen duruufaha iyo waayaha halganku ku suganyahay iyo halisaha iyo shirqoolada cadawgu soo maleegay;

Qiimeeyeen guulaha lagu naalooday ee JWXO ka soo hoyisay dhinaca cududda wax iska caabinta, dibloomaasiyadda iyo heerka abaabulka dadkeena gude & dibadba;

Qireen guulaha isdabajoogga ah ee ay soo hoyeen CWXO iyo kaadirka iyo masuuliinta JWXO ee goobaha kala duwan ka fulinaya barnaamijka halganeed ee JWXO iyagoo ammaan iyo boogaadin halkan ugu soo gudbinhaya CWXO, xubnaha, taageerayaasha iyo guud ahaanba dadwaynaha mintidka ah ee shacbiga soomaalida Ogaadenia.

Dib u milicsadeen waajibaadkooda & xuquuqdooda gola-dhexenimo sida xeerku siinayo ee ku cad qodobadan:

Xeerka Guud ee JWXO_Qod.18/ xarafkiisa B & Xeer-hoosaadka G Dh &_JWXO-Qod 2aad/B- ilaalinta habsami u socodka iyo fulinta xeerka, barnaamijka, qorshaayaasha iyo goâaamada jabhadda .

Xeer-hoosaadka G. Dhexe ee JWXO-Q2aad G-xalinta Khilaafaadka maamul ee soo kala dhexe gala xubnaha guddiga fulinta iyo kuwa golaha dhexe.
Xeer_hoosaadka G Dhexe_Qod.6aad/ siduu u dhan yahay âXuquuqda xubin G Dhexeâ.

Markay Ogaayeen ismaandhaafikii ka taagnaa qabashada kalfadhi golaha dhexe xilligan 2006 iyadoo xubnaha golaha dhexe badankooda qabeen in la fuliyo goâaankii kalfadhigii 2004tii oo ku saabsanaa in Shirweynihii 3aad ee Jabhadda la qabto muddo sannad gudihiis ah;

Markay Ogaayeen in qabashada kalfadhigaas 2004 ay sabab u ahayd khilaaf kulul oo uruka ka dhex aloosmay si loo xaliyo, goâaamadiisuna ay ku salaysnaayeen in la joojiyo tallaabo kasto oo khilaaf keeni karta ilaa shirweynaha ururka la qabto;

Markay u caddaatay in xubnaha shirka isugu tegay bishan July ee 2006 inayan dhammayn nus iyo hal dheeri(50%+1) ,tilmaanta xeerka ururka Q.19aad iyo xeer hoosaadka G.Dhexe Q.3aad xarafkiisa B); sida xeerka ururku dhigayo inay shirarka golaha dhexe ee kuwa caadiga ah ku guntamaan;

Waxay aad uga murugoodeen habka loo agaasimay iyo goâaan qaadashada qalafsan ee kasoo baxey shirkan ka dhacey gudaha Ogaadeeniya ooy isugu yimaadeen qaar ka mid ah xubnaha G Dhexe ee JWXO, iyadoon la tixgalin qodobka aasaasiga u ah hawlgalka golaha dhexe ee ah Q7aad-J ee odhanaya âhabka wada shaqaynta G/DH& hoggaamintu waa wada tashi iyadoo goâaamada lagu gaadhayo hab wada jira ah ( aqlabiyad)

Sidoo kale, xubnuhu iyagoo taageersan go’aanka khuseeya isbahaysiga AFD, haddana waxaa haboonayd in dhamaan golaha dhexe lagala tashado ka hor go’aaminteeda, ka gadaalna loo soo gudbiyo warbixin waafi ah oo cadaynaysa sababaha mawduuciga ee isbahaysiga danta loo biday. Ilaa haddana xubnaha G. Dhexe looma soo gudbinin warbixintaas muhiimka ah sida uu timaamayo Xeer-hoosaadka G Dh_(Qod.2aad/dh) ku cad.

Waxay kaloo xubnuhu u arkeen, iyagoon cidna dambi ka difaaceyn, in qaabka loo maamulay maxkamada xubnaha inayan waafaqsanayn xeerka jabhadda qodobka 36aad; qobobka 37aad; qodobka 6aad ee xeer hoosaadka golaha dhexe iyo qodobka 36aad ee xeerka ciqaabta JWXO oo dhammaantood muujinaya in xubinka dacwad lagu qaadayo uu cadaalad helo, taasoo ay sal u tahay inuu helo fursad uu isku difaaco, isla markaasna cidda maxkamadda ku qaadaysa aanay ahayn cid ay raâyi iyo afkaar isku qabteen taas oo dhexdhexaad- nimadooda luminaysa.Xubnaha la eedeeyay midnaba goobta majoogin, horayna looguma yeerin maxkamad in la saarina looma sheegin,Qareen aysan wakiilanna wuu difaacey sida qoraalka shirka ka muuqatay.

Haddaba, arrinkan waxay xubnuhu u arkaan inu waxyeello culus u keeni karahayo xasiloonida, iskuduubnida, wadajirka iyo midnimada ururkeena, taasoo halis wayn ku ah habsami u socodka hawlaha halganka isla markaasna mijoxaabinaysa guulihii aan dadaalka dheer u soo galay. Maadaama goâaamadan ay ka soo fuleen qayb ka mid ah xubnihii golaha dhexe ee ka afkaar gedisnaa oo uusan ahayn goâaan golaha dhexe u dhan yahay (aqlabiyadi aysan jirin),raalina aan laga wada ahayn;

Sidaas darteed iyadoo :

La tixglinhayo goâaanadii lagu liibaanay ee kalfadhigii bisha june 2004, gaar ahaan goâaanadii ku saabsanaa ilaalinta iyo adkaynta xasiloonida iyo isku duubnida ururka, qabashada shirweyne deg deg ah si loo horumariyo habsami u socodka halganka,

La tixglinhayo mabdá lagu guulaystay ee midnimada iyo isku tiirsanaanta xubnaha ururka, iyadoo laga faaâiidaysanhayo duruursihii cibradala lahaa ee laga hantiyay sooyaalka iyo khibradaha halgamada guud ahaan gaar ahaan kuwa guulaystay,

Laga sii hortagahayo dhibaatooyinka iyo waxyeelada ka dhalan karta goâaandan dhinaca jira ee sida muuqata lagu sargooyay cadhada, ficiltanka iyo guud ahaan dareemada wax duminta ee shidmay ee intooda badan ka dhashay hawsha adag sida garab-wagliilka,

La gar-waaqsaday inaan xiligan sina loogu baahnayn inaan itaalkeena iyo tabarteena u adeegsano looltan iyo khilaaf gudaha ururkeena ka dhasha, lana tixgeliyo dareenka iyo ráyiga kaadirka, xubnaha, taageerayaasha jabhadda iyo guud ahaan talada aqoonyahanka iyo waxgaradka umadeena qurbaha ku sugan,

Si weynna loo tixgelinhayo xeerka ururka gaar ahaan qodobada kor lagu soo xusay dhammantood, iyo kuwa kale ee u dhigma,

Waxay xubnuhu u soo jeedinhayaan dhammaan xubnaha golaha dhexe, gaar ahaanna guddoomiyaha in goâaamadan laga noqdo , dibna la isugu noqdo xalna loo raadiyo sidii midnimada iyo wada jirka G Dhexe ee JWXO & Ururka Guud ahaan, loona dhawri lahaa intaan shirweyne la isugu iman.
Waxay kaloo dhamaan xubnaha ururka JWXO u soo jeedinaynaa inay ka feejignaadaan wixii waxyeelayn kara midnimada iyo wada jirka ururka iyo shacabweynaha Ogaadeenya, waxayna ku boorinayaan maadaama halgankan ay laf dhabar u yihiin, inay ka qayb galaan xalkiisa ayagoo xaqa xeerinya.

Ugu dambeyntii, xubnaha qoraalkan saxiixey , iyagoo ku kalsoon inuu Gudd. JWXO soo jeedintan u arki doono mid dhismeed oo muhimaddeeda leh, ayay ka filayaan inuu culeys iska saari doono siduu u tixgalin lahaa qoraalka masuuliyiintan, iyadoo jawaabna lagaa fili inaad kusoo gudbiso 2ba usbuuc gudohood.

Mahadsanid,

Midnimo, Mintid, Iskutashi & Guul
Ogaadeeniya wey Xoroobi inshaa allah.
September 7th,2006

Magacyada xubnaha golaha dhexe ee qoraalkan soo gudbiyay.

1. Sh. Ibrahim Cabdalle
2. Cabdulaahi Mukhtaar
3. Cabdirahman Sh Mahdi
4. Cibaado Xirsi Mahad
5. Mohamed W. Cabaas
6. Cabdullahi M. Qani
7. Maxâed Haji Bisle
8. Hanad M. Maalingur
9. Mohamed Cabdi Diirane
10. Khalisa Ugaas Mahad
11. Yuusuf Carab


Xaajo.com

Print This Article comments (0)

Home | Dhacdooyin | Waraysiyo | Subax wanaagsan | Contact us

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 119 120 Next >>

 

 

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 Next >>

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com