Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> News Details
Maqaal
 
    BBC SOMALI
 


»Cabdiwali Xuseen Gaas oo iska casiley xubinimadii Guddiga baadhitaanka dilkii Dr Doolaal
Cabdiwali Xuseen Gaas oo is casilay

KU:Dhamaan Shacabka Soomaalida Ogaadeenya.
Og: Masuuliyinta, xubnaha, Kaadir iyo Taageerayaasha Golaha Sare ee ONLF.

Ujeedo iska casilid xubinnimadii Gudiga Baadhista iyo Xaqiiqo Raadinta Dilkii Gudoomiyihii Golaha Sare ee ONLF mujaahid Dr. Maxamed Siraad Doolaal


Walaalayaal waxaan kamid ahaa Gudiga kor ku xusan oo la sameeyey 22/01/2009 looguna talagalay inay soobaadhaan xaqiiqada cida ka qeybqaadatay iyo cida dishay Gudoomiyihii GS ee JWXO mujaahid Dr. Maxamed Siraad Doolaal, oo ay kadibna Gudigaasi u soobandhigaan xaqiiqda ay heleen Shacabka Soomaalida Ogaadeenya.

Kadib shaqsi ahaan Anigu waxaan arinta baadhitaanka galiyey wakhti iyo dhaqaale badan, waxaanan soo uruuriyey warbixino badan oo qaar official ah iyo midkalaba isugu jirta, waxaanan lasugahayey in gudigu isu yimaado oo ninwalba waxa uu soohelay laysla arko. Hase ahaatee iyadoon laygala tashanin waxaan baadhitaanka ku soohelayna aan la tixgalinin, oo aan waxba layga ogaysiinin ayaa 5/8/2009 bogaga internetka lagu soo daabacay warbixin ay ku sixiixan tahay magaca Gudigii aan ka midka ahaa oo ku saabsan cida dishay allaha unaxariistee mujaahid Dr. Maxamed Siraad Doolaal.

Hadaba markaan arkay warbixintaas waxaan la xidhiidhay xubno Gudigii kamid ahaa weyna iga qancinwaayeen 10kii bari ee la soodhaafay waxay iigala tashanwaayeen soo bandhiga qoraalkaas iyo meesha uu ka yimidba midnaba.

Hadaba waxaan goaansaday inaanan dhabarka saaranin waxa ka yimaada qoraal aanan waxba ka ogayn, waxaanan Shacabka soomaalida Ogaadeenya iyo intii iidooratay inaan kamid noqdo gudigaba u cadaynayaa inaanan wax lug ah ku lahayn qoraalkaas, waxaanan caawa iska casilay kamid ahaanshahii gudiga kor ku xusan.

Mahadsanidiin.

Cabdiwali Xuseen Gaas

Print This Article comments (0)

Home | Dhacdooyin | Waraysiyo | Subax wanaagsan | Contact us

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 119 120 Next >>

 

 

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 Next >>

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com